U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax Xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ah ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Suuqa Beerta degmada Waaberi halkaasi oo ku dhow wadada Afisyone.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobtaasi ku geeriyootey ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan,  iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in halka gaariga uu ku qarxay ay ka dhawaayeen ciidamo  ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxan waxaa loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho oo uu kamid yahay Isbitaalka Madiina.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News