U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Baghdad Oo Khasaare Geystay

Sheeko:Dalka

Afhayeen u hadlay Ciidamada ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuter in 4 qof ay ku dhinteen 15 kalana ay waxyeello ka soo gaartay qarax ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay u badanyihiin dadka Shiicada ah taasi oo ku taallo waqooyi galbeed ee Baghdad.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in qofka weerarka soo qaaday uu xirnaa suunka qaraxa ka dibna uu is qarxiyey markii ciidamada amniga ay qabteen,taasi oo keentay in ay dhintaan dadkan.

Ilaa iyo hadda cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarkan, balse mas’uuliyiinta laamaha ammaanka ayaa waxay dusha u saareen ururka Daacish.

Goobjoog News