U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Ciraaq Oo Ay Dad Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan  10 qof ayaa ku  dhimatay halka ay ku dhaawacantay 83 qof qarax ka dhacay magaalada Bagdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq .

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow Suuq lagu iibiyo wax yaabaha macmacaanka ah, waxaa uu sidoo kale burbur xooggan u geystay dhismiyaashii u dhawaa suuqa isagoo sidoo kale burburiyay tiro gawaari ah oo meesha yaallay.

Qaraxa marka uu dhacay ka dib waxaa goobta soo gaaray qaar ka tirsan ciidamada ammaanka ee Ciraaq kuwaas oo xiray dhammaan waddooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay iyagoo si aada u adkeeyay ammaanka  goobta qaraxa uu ka dhacay iyagoo ka cabsi qaba inuu qarax kale dhaco

Qaraxaan ayaa waxa uu dhacay xilli dadka ay soo afureen kana soo baxeen guryahooda iyagoo u socda goobaha lagu nasto iyo kuwa  cibaadada.

Magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq waxay goobjoog u noqotay qaraxyo badan oo dhiig ku daateen, qaraxyadaan ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegta ururka lamagac baxay Daacish.

Goobjoog News