U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Ciraaq Oo Geestay Dhimasho Iyo Dhaawac

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 15 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 kale qarax ka dhacay bar Kontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada booliska Ciraaq magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.

Mas’uuliyiin Ciraaqiyiin ah ayaa waxay sheegeen in qof watay baabuur miineysan uu isku qarxiyay  bar Kontarool oo ay ciidamada ay wax ku baaraan taasi oo ku taallo koofurta magaalada Bagdaad.

Illaa iyo hadda cidna ma sheegan qaraxaan  mas’uuliyaddiisa, balse ururka Daacish ayaa dhawaad weeraro ceynkaan oo kale waxa uu ku qaadayay qaybo kala duwan oo ka tirsan waddanka Ciraaq.

Weerarkaan ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee ka dhaca caasimadda Ciraaq, xilli ciidamada dowladda Ciraaq ay ka wadaan weeraro weyn oo ay ku soo ceshanayaan magaalada Mowsil, taasi oo ah mid ka mida dhufeysyada ugu muhiimsan oo ay Daacish ku leeyihiin waddanka Ciraaq.

Kumanaan qof ayaa ka barakacday goobaha ay Daacish ku hayaan gacanta, balse kumanaan kale ayaa ku go’doonsan magaalada Mowsil oo iyadu ah meelaha ugu waaweyn oo ay Daacish gacanta ku haysa.

Goobjoog News