U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Degmada Hilwaa Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Hilwaa, gaar ahaan Isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax Miino.

Miinadan ayaa ahayd sida la sheegay mid dhulka ku aasneyd, waxaana dulmaray gaari nooca raaxada ah oo ay la qaraxday.

Goob jooge ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyey in Labo ruux oo la socotay gaarigaasi uu dhaawac soo gaaray, iyadoo warar kala duwan laga helayo dadkan iney ahaayeen shacab iyo in kale.

Ciidamada dowladda Federaalka ee ka dhowaa halkaasi ayaa gurmad u fidiyey dadkii dhaawacmay, waxaana sidoo kale ay wadaan baaritaan.

Maamulka degmada Hilwaa iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaasi weli faah faahin kama aanay bixin qaraxaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News