U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax miino ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay ex-control Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxan uu ahaa miino ku aasneyd goob ay ku sugnaayeen ciidamo Booliis ah, waxaana halkaasi ku dhintey Hal askari iyadoo Labo kalena ay dhaawacmeen.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo kale oo dheeraad ah, kuwaasi oo howlgallo billaabay.

Waxaa saacado hakad la geliyey isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi, wallow markii dambe dib loo furay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News