U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Miino oo maanta ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay goob joogayaal inoo sheegeen, gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga DFS ayaa qaraxa lagula eegtay halkaasi, wuxuuna qaraxan ahaa miino nooca dhulka lagu aaso.

Ciidamadan ayaa ka yimid dhanka gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

7 qof oo Afar ka mid ah ay yihiin dad shacab ah ayaa naloo xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay iyo nawaaxigeeda waxa ay ka sameeyeen howlgallo

Goobjoog News