U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax ismiidaamin ah ayaa  ka dhacay duleedka Muqdisho, gaar ahaan Koontaroolka Siinka Dheer ee degmada Kaxda, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo wareedyo goobta ku sugan.

Qaraxani oo loo adeegsaday gaari ayaa dhacay xilli askarta dowladda Fedaralka ay ku mashquulsanayeen baaridda gaadiidka u kala gooshaya Muqdisho iyo Afgooye.

waxaa jira qasaaro ka dhashay qaraxani in kasta oo aan la ogeyn tirada saxda ah.

Qaraxani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay maalmihii dambe ay jireen warar sheegaya in magaalada Muqdisho uu ku jiro baabuur sida walxaha qarxa.

Jimcihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay 3 qarax oo ay ku dhinteen in ka badan 35 qof, halka ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 60 kale.

Wararka arrinkan ku saabsan kala soco Goobjoog.com

Goobjoog News