U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Goob Lagu Iibiyo Baaruudda Lagu Ciyaaro

Sheeko:Caalamka

29 qof ka badan ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay suuq lagu iibiyo waxyaalaha qarxa ee lagu ciyaaro sida baaruudda, Qaraxa waxaa uu ka dhacay Tultepec, 40 kilometers  u jirta waqooyiga Mexico .

In ka badan 72 qof ayaa la sheegayaa sidoo kale in ay ku dhaawacmeen, dhaawacyada culus ayaa la filayaa in loo qaado Isbitaallada waaweyn.

Waa markii 3aad ee suuqaas uu qarax ka dhaco 10-kii sano ee ugu dambeeyay, suuqa San Pablito ee caanka ah ee Tultepec, waxaa 32km ka xigaa waqooyiga Mexico City.

Goobjoog News