U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Hotel Naasa Hablood 2 Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Qarax gaari weyn loo adeegsaday ayaa ka dhacay Hotel Naasahablood 2 oo ku yaalla xaafadda Xamar-weyne ee Magaalada Muqdish, waxaana xigay daqiiqado kadib mid kale oo ka dhacay meel aan ka fogeyn.

Weriyaha Goobjoog News ee goobta gaaray waxaa uu sheegay in 8 dhaawac ah loo qaaday Isbitaallada isaga oo intaa ku daray in uu indhihiisa ku arkay 2 Meyd.

Saxaafadda ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan, waxaana markiiba goobta la wareegay ciidan, waxaa kale oo baaritaan bilaabay rag caddaan ah. Hotelka la weeraray  waxaa iska leh wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka ah.

Wararka oo Faah-faahsan Kala soco, Goobjoog News