U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaw uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, kaasi oo la sheegay in lala eeganayey askar ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in qaraxani uu ka dhaca xaafadda Via Afmadow, islamarkaana qaraxa uu ahaa mid kahor dhacay gaari ay saarnaayeen askartaasi.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay, hase ahaatee ciidanka Jubbaland ayaa rasaas kor u riday, iyadoo goobtuna ay haatan soo gaareen askar kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News