U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow isgoyska Ex-control Afgooye.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka dhawaa halkaasi, waxaa qarxay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo noociisu ahaa NOAH, waxaana la tilmaamay in ciidanka ammaanka ay rasaas ku fureen gaarigan, kadib markii Bambooyin ay kasoo tuureen rag saarnaa oo rabay in ay awood ku dhaafaan bar Koontarool.

Khasaaraha guud inta uu la egyahay weli lama shaacin, waxaana goobta ku sugan ciidamada ammaanka oo baaritaanno dheeraad ah wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News