U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax Miino oo khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho.

Wararku ayaa waxay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Miino lagu aasay wadada dhinaceeda, gaar ahaan meel ku dhow goob ay ciidanka Booliiska gaadiidka ku baaraan.

Dad ku dhow halka qaraxan uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in ay dhinteen Labo qof, iyadoo qof kalena dhaawac uu soo gaaray.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa halka uu qaraxan ka dhacay waxa ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Goobjoog News