U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay maqaayad ku dhow Hotelka Wehliye oo kaabiga ku haya isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shacab halkaasi ku sugnaa, hase ahaatee lama oga inta uu la egyahay khasaarahaasi.

Goobta waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah oo wada u gurmashada shacabka dhaawaca ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News