U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax Miino ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaarahaan nawaaxiga Haanta dheer ee degmada Dayniile, waxaana la sheegay in khasaare uu jiro.

Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, Labo qof ayaa dhaawac kasoo gaaray, waxaana ay miinadan ku aasneyd meel waddo ah oo shacabka maraan.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga bixiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News