U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow uu qarax ka dhacay bar kontorool uu ku taalo isgoyska Sayidka ee bartamaha Magaalada Muqdisho.

Qof Goobjooge oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu qaraxu ahaa gaari isla markaana uu ka dhacay goob dad badan joogeen.

Goobta waxaa ku sugan hey’adaha amniga oo waxaa socdo baaris  iyo gawaariga gargaarka oo khasaaraha qaadaya.

Hey’adaha gargaarka oo aan la hadalnay waxaa ay sheegeen in khasaare dhan walbo ah uu jiro balse aaney sheegi karin tiro.

Goobta uu qaraxu ka dhacay horey ayey qaraxyo kale uga dhaceen, waa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, amniga, golaha shacabka iyo xarumo kale oo dowladeed.

Wararkan kala soso halkan.