U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax xooggan ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegeyaan in qaraxan uu ahaa mid ismiidaamin ah, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxa kadib ayaa naloo xaqiijiyey in rag hubeysan ay aadeen dhanka wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha oo ku yaalla meel aan sidaas oga fogeyn halka qaraxan uu ka dhacay.

Lama oga khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay, hase ahaatee waxaa socota rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidamada ammaanka iyo raggan hubeysan ee loo maleynayo iney Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News