U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Nawaaxiga Dekadda Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xoogan islamarkaana laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uuna ka dhacay afaafka hore ee dekadda Muqdisho.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaare kala duwan walow aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa halkaasi ka wada daabulista dad ku dhaawacmay qaraxan.

Xilliga qaraxan uu dhacayey ayaa mashquul badan waxaa laga dareemayey bannaanka hore ee dekadda, waxay ahayd xilligii muruqmaaalka ay isku diyaarinayeen iney gudaha u galaan dekadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News