U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Saldhigga Ugu Weyn ee Ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Dalka Afghanistan

Sheeko:Caalamka

Qarax weyn ayaa ruxay saldhigga Bagram ee ugu weyn ciidamada cirka Mareykanku ku leeyihiin waqooyiga caasimadda Afghanistan ee Kabul, qaraxan ayaa geystay khasaare.

Wakaaladda wararka ee “Khaama” ee gudaha dalka Afghanistan ayaa sheegaysa in saaka xilliyadii hore qarax weyn laga maqlay gudaha saldhigga Mareykanka Bagram, kaas oo dhaliyay khasaare nafeed, wakaaladdu wax faahfaahin ah kama aaney bixin tirada dadka ku waxyeelloobay qaraxaas.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa dhankeeda xustay in Abdul Shakoor Kaddosa oo xukuma saldhigga uu sheegay in dad aan ka yareyn 3 qof ay ku dhinteen, halka ay dhaawacmeen 13 qof oo kale, iyadoo qaraxu uu ka dhacay meel u dhaw goob laga cunteeyo gudaha garoonka Bagram. iyadoo walina aan la aqoonsan sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysa.

Goobjoog News