U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhex Dhacay Hoyga Guddoomiyaha Deegaanka Fafaxdhuun Ee Gedo Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Fafaxdhuun ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan uu ka dhex dhaca hoyga uu deggan yahay guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuluq Nuunow, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo qof oo mid kamid ah yahay wiil uu dhalay guddoomiyaha.

Qaraxan ayaa ahaa miino la sheegay in guriga lagu dhex aasay, waxaana halka qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamo badan oo ammaanka ah, iyadoo baaritaanno ay socdaan.

Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo qaraxan laga bixiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News