Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Bartamaha Kabul

Qarax weyn ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha caasimadda waddanka Afghaanistaan ee Kabul, qaraxani ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow safaaradda Maraykanka ee ku taallo waddanka Afghaanistaan.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo badan oo ka tirsan isbahaysiga urur Nato sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dhanka amniga ah.

Mas’uuliyiin u hadlay wasaaradda caafimaadka ee waddanka Afghaanistaan ayaa waxay sheegeen in qaraxaani ay ku dhinteen 4 qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 22 kale.

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa mid ismiidaamin ahaa kaasi oo lala beegsaday afafka hore ee safaaradda maraykanka ay ku leedahay Afgaanistaan iyadoo marka uu qaraxa dhacay ay meesha buuxeen ciidamo badan oo ajanabi ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW