U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Bartamaha Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor-dhow ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye, bartamaha magaalada Muqdisho.

Ganacsade goobta dukaan ku leh oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare naf iyo maal leh, isaga oo intaasi raaciyay in dad badan ay waxyeello ka soo gaartay xabadaha dhacay qaraxa kadib.

Werqabadka Goobjoog News waxaa soo gaaraya in qaraxa uu geystay dhimasho iyo dhaawac, waxaa kale oo ku bur-buray hanti badan, waxaana goobta gaaray gawaariga gar-gaarka, iyaga oo sheegaya in aaney ka hordhici karin khasaaraha.

Wararkan kala soco, Goobjoog News