U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay oo Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Qarax geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa baqnimadii maanta ka dhacay isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegatay gaari ciidan, balse ma haleelin oo waa uu ka badbaaday, taas oo sababtay in ay haleesho dad shacab ah, kuwaas oo marayay wadada, waxaana soo gaaray khasaare kale duwan.

Inta la xaqiijiyay la ruux ayaa ku geeriyootay, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale, ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa ka qaaday meydka dadka dhintay, halka midka dhaawaca ah la geyay isbitaalka.\

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo, kuwaas lala eegto gaadiidka ay isticmaal ciidanka dowladda, waxaana mararka qaar ka dhasha khasaare soo gaara dad shacab ah.

Goobjoog News