U bood dhigaalka

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay duleedka Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ayaa sheegaya in qarax xoogan uu xalay ka dhacay gudaha degmadaas. Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontorool oo ku beegan duleedka waqooyi ee magaaladaas halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,taliyaha booliska gobolka Shabeellaha dhexe Korneel Khaliif Cabdulle Carfaaye oo u waramay wariyaha Goobjoog FM ee Jowhar Aadan Xuseen Daa’uud ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen ruux haweeney ah iyo mid ka mid ah askartii ku sugneyd goobta.

Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib howl gallo ay dad ku qabqabteen ka fuliyay goobaha ku dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Korneel Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa tilmaamay in ay baaritaan ku wadaan dadka ay ku soo qabteen howl galka iyaga oo su’aalo ku weydiinaya gudaha saldhiga degmada.

“ Dadka aan soo qabanay baaritaanka kadib waxa aan u kala saari doonnaa kuwo la sii daayo oo wax dambi ah lagu waayo iyo kuwo uu raad soo galo oo aan sharciga la tiigsano.” Ayuu yiri Korneel Khaliif Cabdulle Carfaaye.