U bood dhigaalka

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay suuqa degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay qarax xoogan oo sababay dhaawaca dad shacab ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha suuqa wayn ee degmada waxaana lala eegtay guddoomiye xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Afgooye oo ka badbaaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxan kuwaas oo labo ka mid ah loo soo gudbiyay isbitaalka Madiina si loogu dabiibo.

Mid ka mid ah goob joogayaashii ku sugnaa goobta ayaa u sheegay Goobjoog FM in qaraxa uu ka dhacay meel aad u mashquul badan oo uu ka jiray ganacsi xoogan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaano kooban sameeyay qaraxa kadib walow aan la sheegin cid ay u soo qabteen.