U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro gaystay oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan inta badanna laga maqlay xaafadaha magaalada ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

General Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa la sheegay in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday.

Inta la xaqiijiyay qaar kamid ah ilaalada sarkaalka ayaa qaraxa ku dhimatay, wararka ayaana sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray sarkaalka.

Goobjoog News