U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Luuq, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay qarax Miino oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Miino nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaari uu la socdey guddoomiyaha degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan iyo ciidan isaga ilaalo u ahaa.

Hal Askari oo kamid ahaa ilaalada guddoomiyaha degmada ayaa la xaqiijiyey inuu halkaasi ku dhintey, iyadoo ay ku dhaawacmeen Shan qof oo la sheegayo inuu ku jiro guddoomiya Maxamed Xuseen.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaritaanno wada.

Ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaan, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, walow qaraxyada sidan oo kale ah looga bartay Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News