U bood dhigaalka

Qarax Loo Adeegsaday Gaari Oo Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan, islamarkaana gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga xarunta wasaaradda amniga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, walow aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha guud inta uu la egtahay.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ka dhacay goob maqaayad ah oo kasoo horjeedda xarunta wasaaradda amniga ee degmada Shangaani.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa halkaasi ku qulqulaya si ay dhaawacyada usoo qaadaan, waxaana goobtaasi gaaray ciidamo badan oo dowladda ah.

Weli ma cadda in gaariga qarxay uu yahay mid meesha la dhigay ama uu ku jiray qof is qarxiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News