U bood dhigaalka

Qarax Loo Adeegsaday Mooto Bajaaj Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaw uu ka dhacay wadada 21 October ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan la sheegin cidda lala eegtay qaraxan iyo sidoo kale inuu ahaa mid qof isku qarxiyey Mootada ayaa hadana dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay meello badan oo ka mid ah magaalada Mudisho.

Lama soo warin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana taliska Booliiska gobolka Banaadir ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan ruuxa ka dambeeyay qaraxaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, kuwaa oo baaritaan wada.

Waxaa xiran halka qaraxa uu ka dhacay, iyadoo aan loo ogoleen inaymaraan dadka shacabka ah iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha intaba.

Xalay ayaa wadada uu qaraxan ka dhacay waxaa laga maqlayay rasaas daqiiqado badan socotey, lama oga waxa ay rasaastaasi ahayd.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News