U bood dhigaalka

Qarax Miino Oo Caawa Mahadaay Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 8 ruux oo midi askari yahay ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen qarax miino oo maqribadii caawa ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa miino ayaa ka dhacay tuulada Buurane oo degmada Mahadaay hoostagta, waxaana dadka dhaawacmay 7 qof oo kamid ah ay yihiin dad shacab ah.

Guddoomiye ku xigeenka Mahadaay Saalax Xaaji Fulaan ayaa caawa Goobjoog News u xaqiijiyay in dadkaasi dhaawaca ah la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya xaaladda dadka dhaawaca ah iyadoo aynaan jirin illaa iminka dad dhintay.

Howlgal ayaa caawa degaanka uu qaraxu ka dhacay ay ka wadaan ciidamada dowladda federaalka.

Wixii soo kordha dib kala soco Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada