U bood dhigaalka

Qarax Miino Oo Ka Dhacay Afgooye

Sheeko:Amniga

Faah faahin horudhac ah ayaa ka soo baxaysa qarax xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxani oo la soo sheegayo inuu ahaa miinada  dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamada ka tirsan dowladda Federaalka kaasoo noociisa lagu sheegay kuwa raaxada.

Deegaan la yiraahdo Buulaleey oo hoos yimaada degmada Afgooye ayuu qaraxa ka dhacay waxaana xigay rasaas ciidamada dadka degaanku ay maqlayeen.

Khasaare ayaa la soo sheegayaa in uu ka soo gaaray ciidamadii saarnaa baabuurkaasi waxaana geeriyooday sida wararka horudhaca ay ay sheegayaan laba askari oo uu ku jiro darawalkii baabuurka.

Laamaha amniga ee degmada Afgooye iyo kuwa xukuumadda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah kama aynaan bixin qaraxani oo ku soo beegmaya iyadoo xalay weerar ay Xarakada Shabaab ku qaadday degmadaasi saldhig ciidamada boolisku ku leeyihiin.

Dhanka kale, howlgallo ayaa ciidamada dowladdu ka wadeen degmada Afgooye 12-kii saac ee la soo dhaafay, kuwaasoo saraakiisha aan ka soo xiganay in ay yihiin kuwa ammaanka lagu sugayo.

Goobjoog News