U bood dhigaalka

Qarax Miino Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM, kaasi oo marayey xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Miinadan ayaa ku qaraxday mid ka mid ah gaadiid ay la socdeen ciidanka AMISOM, waxaana xigtay rasaas ay rideen ciidanka qaraxan lala eegtay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, hase ahaatee waxaa la sheegay in gaariga miinada ku qaraxday uu burbur soo gaaray.

Maamulka Hilwaa iyo AMISOM wax war ah kama aanay soo saarin qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News