U bood dhigaalka

Qarax Miino oo maanta ka dhacay magaalada Mandheera ee gobalka Waqooyi bari Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Mandhere ee gobalka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino oo aad u xoogan kaa oo bur bur hantiyeed geystay.

Qaraxaan ayaa ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay, waxaana kasoo baxaaya warar kala duwan cidii lala eegtay, iyadoo warar madax banaan ay sheegayaan in goobta ay ka dhawaayeen ciidamo ka mid ah dowladda Kenya.

Dhanka kale qasaaraha nafeed oo halkaasi ka dhashay ilaa hadda lama soo sheegin, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ka kala yaacay dadkii ku sugnaa/

Qaraxaan ayaa bur bur u geystay Laba gaari oo goobta ka dhawaa, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amaanka oo wada howlgalo baaritaan ah.

Goobjoog News