U bood dhigaalka

Qarax Sababay Dhimashada 8 Carruur ah Oo Ka Dhacay Deegaanka Golweyn

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Golweyn oo hoostaga degmada Marka, ayaa sheegaya in goordhaw caruur ku sugneeyd deegaanka uu haleelay qaraxa.

Caruurta ayaa la sheegay in uu ku qarxay qaar ka mid ah haraadiga waxyaabaha qarxa oo ay ku ciyaarayeen , taas oo sababtay dhimashada 8 caruur.

Agaasimaha Isbitaalka deegaanka Shalambood oo GoobJoog News  la hadlay ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay isbitaalka dhaawaca 11 caruur ah.

Maxamuud maxamed Jimcaale Abaabo agaasimaha ayaa sheegay in adeegga caafimaad ee Isbitaalka yaalo uusan ku filneyn dabiibka dhaawacyada , balse saacadaha soo aadan ay magaalada Muqdisho , si xaaladooda caafimaad wax looga qabto .

Dhageeyso Codka Agaasimaha Isbitaalka Shalanbood oo ka hadlay dhaawacyada Isbitaalka la kenay