U bood dhigaalka

Qarax Sababay Khasaare Kala Duwan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay agagaarka taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu geystay, waxaana ilaa haatan la xaqiijiyay in saddex qof ay qaraxaasi ku geeriyootay halak tiro kale oo aan la cayimin ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa dhaamn xiray jidadka soo gala isgoyska Sayidka iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana wali sidoo kale ka hadlin saraakiisha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News