U bood dhigaalka

Qarax uu Ka Badbaaday Sarkaal Ka Tirsan Booliska Soomaaliya oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saakay lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid lagu dhejiyay gaari uu lahaa taliyaha hoggaanka caafimaadka booliska Soomaaliya Jeneraal Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha, halka sidoo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen tiro kale sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Cali Gaab ayaa ka badbaaday qaraxa waxaana wararka qaar ay sheegayaan in taliyuhu uu gaari la socday.

Askar ku sugneyd halka uu qaraxu ka dhacay ayaa durbadiiba xiray isku socodka dadka iyo kan gaadiidka iyaga oo goobta ka bilaabay baaritaan kooban inkastoo aysan baaritaankaasi ka soo bixin wax natiija ah.

Wali ma jirto faahfaahin ay bixiyeen saraakiisha booliska Soomaaliya maadaama qaraxan lala beegsaday sarkaal iyaga ka tirsan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan la soo sheegayaa in xaaladeedu ay tahay mid degan islamarkaana waxaa caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo kan gaadiidka.

Goobjoog News