U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Hoteelka Wehliye Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukkarrama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan ilinka hore ee Hoteelka Wehliye.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, inuu qaraxay gaari halkaasi yaallay oo weli noociisa aan la sheegin.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, hase ahaatee halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan.

Dhawaqa gaarigan qarxay ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale gaadiidka gurmadka degdegga ah.

July 10,2015 weerar qaraxyo ku bilowday ayaa lagu qaadey Hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News