U bood dhigaalka

Qarax Xooggan Oo Goor Dhow Ka Dhacay Nawaaxiga Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax xooggan  ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido ee malaada Muqdisho, iyadoo halkaasi laga maqlayo rasaas dhaceysa.

Qaraxan ayaa ah gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana la sheegay in qof naftii hure ah uu gaariga saarnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka qaraxan lala eegtay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala bartilmaameedsaday Hoteel halkaasi ku yaalla inkastoo weli warkaasi aanu caddeyn.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xaaladda oo weli kacsan, iyo rasaas socota awgeed.

Sidoo kale lama oga in rag hubeysan ay daba socdeen qaraxan iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News