U bood dhigaalka

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax aad u xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ka dhacay inta u dhaxeysa saldhigga Booliiska degmada X/weyne iyo sidoo kale xarunta gobolka Banaadir.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxan, hase ahaatee weli tiro rasmi ah lama hayo.

Goobta qaraxan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka iyo sidoo kale gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News