U bood dhigaalka

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu geystay khasaare kala duwan.

Sida ay inoo sheegeen dadka ku dhow halkaasi, qaraxan ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana uu si gaar ah uga dhacay goob gaadiidka canshuurta looga qaado.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxan, hase ahaatee lama oga inta ay la egyihiin.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana la qaadayaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Qaraxan waxa uu ahaa mid aad u xooggan, waxaana dhowaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News