U bood dhigaalka

Qaraxii Zoobe: Beesha Caalamka…Yaa Ka Hadlay, Yaa Ka Aamusay, Yaase Wax-qabtay?

Sheeko:Dalka

Qaraxa sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof waxaa ka hadlay dunida inteeda badan dalalka ugu waaweyn laakin inta wax qabatay ayaa aad u yar.

Qaraxan oo ahaa kii ugu waxyeellada badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, waxaa ka xumaaday dalal badan oo caalamka ah, dalalka lagu sheego saxiibada Soomaaliya waxaa laga filayey gargaar iyo garab istaag dhab ah, waxaana illaa shalay socday in dadka isweydiiyaan dalal iyo ururro.

Dalalka Turkiga, Djibouti iyo Qatar waxaa ay dhibaatada qaraxii Zoobe uga qeyb-galeen si ka duwan dalalka kale, marka laga reebo dalalka aamusay, waxaa jiray dalal iyo hey’ado si kulul u cambaareeyay sida ay wax u dhaceen.

Waa Qoraal ku saabsan dalalka wax qabtay, dalalka hadlay iyo inta laga rabay in ay waxqabtaan balse aan warkooda la heynin illaa hadda taas oo dad badan isweydiin-doonaan.

Kenya:

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa ka mid ahaa madaxda  cambaareeyay weerarka Zoobe isaga oo sheegay in uu aad uga naxay.

Mareykanka: 

Qoraal axaddii ka soo baxay Washington  waxaa lagu cambaareeyay qaraxa Zoobe iyaga oo sheegay in Mareykanka uu sii wadi-doono garab istaagga Soomaalida dagaalka ay kula jiraan argigixisada iyo sidii loo heli lahaa Nabad iyo Barwaaqo.

Ingiriiska:

Boris Johnson, oo ah xogheyaha arrimaha dibadda waxaa uu sheegay in London ay cambaaeryneyso falkaasi fulaynimada ah kaas oo lagu dilay dad badan oo aan waxbo galabsan.

Faransiiska:

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron waxaa uu sheegay:  “Waxaan garab taaganahay Soomaalida, waxaan taageerayaa midowga Africa sidii loola dagaali lahaa argigixisada”

Turkey:

Ankara, waxaa ay soo dirtay dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad, waxaa kale oo ay qaadey 34 qof oo dhaawacyo culus ka soo gaareen qaraxoo Zoobe si dalkeeda loogu soo daweeyo, wafdiga Muqdisho yimid waxaa ku jiray wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan .

Qatar: 

Dalka Qatar waxaa uu Muqdisho keenay diyaarad gaar ah oo sidday daawo iyo qalab caafimaad isaga oo ka mid noqday dalalka aan hadal keliya ku ekaan ee waxqabad ku daray.

Canada:

Ra’isul wasaaraha Justin Trudeau ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii dhaleeceeyay weerarka Muqdisho, arrintaas waxaa uu ku sheegay tweeterkiisa.

Masar: 

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi aanu ka gacmo-duubi-doonin Soomaalida sidii ay dalka dib ugu dhisi lahaayeen iyo dhameystirka hey’adaha dowliga ah, waxaa kale oo weerarka cambaareysay Jaamacadda Azhar.

Qaramada Midoobey:

Antonio Guterres, xogheyaha qaramada midoobey ayaa ka mid ah madaxdii cambaareysay qaraxa Muqdisho, waxaa kale oo qoraal soo saaray golaha ammaanka.

Midowga Africa:

Madaxa midowga Africa  Moussa Faki Mahamat ayaa ballanqaaday in Soomaalida ay garab istaagayaan  xilligan qatarta ah, isaga oo booriyay in federaalsm-ka laga shaqeeyo.

IGAD:

Urur goboleedka IGAD waxaa uu ka mid ahaa ururadii ugu horeeyay ee cambaareeyay qaraxa Zoobe iyaga oo ballan-qaaday in ay sii wadayaan la dagaalanka argigixisada.

Jaamacadda Carabta:

Maxamud Cafiifi oo ah afhayeenka xogheyaha guud ee Jaamacadda carabta ayaa sheegay in Axmed Abuu Geyth uu ku celiyay sida Jaamacadda carabta uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya iyo la dagaalanka argigixisada.

Sida uu qoray bogga Alkhaleej, Imaaraadka waxaa uu cambaareeyay falka argigixisada ah, isaga oo sheegay in uu garab taagan yahay xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jira su’aalo la iska weydiinayo waxqabadka Jaamacadda Carabta oo sida muuqata dalal ku jira badankooda laga helay cambaareyn oo keliya, waxaa kale oo dadka ay isweydiiyeen dalal iyo ururo badan oo caalami ah, kuwaas oo la sheegao in ay Soomaaliya daneeyaan.

Qaar ka mid Ah Ra’yiga baraha bulshada:

dadka hadlay

gargaar

turkiga caadi

djibouti

Goobjoog News