U bood dhigaalka

Qaraxyo Dad Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Afgaanistaan

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 20 ayaa ku dhimatay Saddex qarax oo is xig-xiga kuwaas oo ka dhacay magaalada Kapuul ee caasimadda Afghaanistaan. qaraxyadaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay 100 qof.

Qaraxyadaan ayaa waxaa lala beegsaday dad galbinayay Janaaso kuwaas oo waxyeellada ugu badan ay soo gaartay.

Madaxweynaha Afghaanistaan Ashraf Gani ayaa waxa uu sheegay in waddankiisa uu hoy u noqday weeraro, shacabkana looga baa hanyahay  inay digtoonaadaan kana hortagaan kooxaha wax qarxinayo.

Magaalada Kapuul ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay qarxyo ay geesanayaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 90 qof.