U bood dhigaalka

Qaraxyo Gilgilay Bartamaha Ankara iyo Dhimasho Badan Oo Ka Dhalatay

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayaan Mas’uuliyiinta in ka badan 86 qof ayaa ilaa iyo  hadda la xaqiijiyay in ay dhinteen  in ka badan 126 waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa ka dhacay goob Tareenada laga raaco oo ku Taalla bartamaha Ankara, waxaana la arkayey Meydad daadsan waddooyinka.

Weerarka waxaa lagu qaadey dad  dibad baxayaal ah oo diidanaa dagaallada Dowladda iyo Xisbiga Shaqaalaha Kurdistaan  PKK oo bishii Labaad socda, dowladda ayaa weerarkaas ku tilmaantau argagixiso.

Dowlladda ayaa baareysa in weerarka uu yahay mid ismiidaamin iyo in kale, Hogaamiyaha Kursiyiinta ayaa Mas’uuliyadda waxaa dusha uga tuuray dowladda Turkiga.

Wixii soo kordha kala soco: Goobjoog News.