U bood dhigaalka

Qaraxyo ismiidaamin ah oo Galabta ka dhacay Baydhabo, Koofur Galbeed Soomaaliya(Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaraxan oo ka dhacay Baar ku yaalo bartamaha magaalada Baydhabo ayaa lagu fuliyay baabuurta yar ee raaxada, dhimasho iyo dhaawan ayaa la sheegayaa balse wali ma cada tirada rasmiga ah ee goobta ku waxyeeloowday.

Axmed Maxamed Dheere oo ka tirsan saraakiisha Gobolka ayaa Goobjoog u xaqiijiyay qaraxa, isagoo sheegay in galabta abaarihii 5:12 galabnimo qaraxyadaas ka dahceen goob shacabka wax ka iibsadaan oo ku taalo bartamaha Baydhabo.

Mas’uulka ayaa intaa ku daray in dad badan halkaa ku dhinteen, dad kalana ay ku dhaawacmeen, Dheere ayaa sheegay in dadkii dhaawaca ahaa la dhigay Isbitaalka Magaalada.