U bood dhigaalka

Qaraxyo Iyo Weerar Toos Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Labo qarax oo gaari ah ayaa goor dhow waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Ceelgaabta iyo SYL.

Goob joogayaal la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in marka hore qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi.

Qaraxaasi Koowaad waxaa xigay weerar toos ah oo rag hubeysan ku qaadeen ciidanka ammaanka ee halkaasi joogay, waxaana goobta ka dhacay dagaal xooggan.

Inta dagaalkan uu socday ayaa waxaa la sheegay in qaraxii Labaad uu dhacay, waxaana fuliyey ruux waday gaari nooca raaxada ah.

Waxaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey dhimashada Labo qof oo mid ka mid ah yahay ruuxii gaariga waday, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan karo.

Gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta ku baxay si ay usoo qaadaan haddii ay jiraan dad dhaawac ah oo goobta ku sugan.

Saraakiisha ammaanka weli kama aanay hadal qaraxyadan iyo weerarkaan, welina waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Weerarkaan ayaa imaanaya xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka magaalada Muqdisho sababo amniga la xiriira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News