U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhaca Gaalkacyo Oo Laga Digey

Sheeko:Dalka

Taliska booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay heleen warbixinno sheegaya in Al-shabaab ay qorsheynayaan inay falal amni darro ka geystaan Mudug.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal oo tilmaamay in ay Laba jibbaareenn howlgallada amniga lagu sugayo oo ciidamada booliska Puntland ay ka wadaan gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay taliyuhu in ay heleen warbixinno la xiriira qaraxyo la damacsan yahay in Gaalkacyo iyo meelo kale ay ka dhacaan.

Bulshada ku nool waqooyiga gobolka Mudug ee Puntland ayuu ugu baaqay inay booliska kala shaqeeyaan nabadgalyada.

“Waxaan helnay macluumaad sheegaya in nimankii cadowga ahaa ay maleegayaan qaraxyo iyo weeraro ay ka geystaan Gaalkacyo, waxaan xoojinnay howlgalkayaga, waxaana shacabka ugu baaqeynaa iney ciidamada amniga gacan buuxda siiyaan” ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka geysteen qaraxyo sababay waxyeello soo garatay dad shacab ah.

Goobjoog News