Qaraxyo Ka Dhacay Baardheere

Laba qarax oo xooggan ayaa goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Itoobiya.

Qaraxyadan oo ka dhacay bartamaha degmada Baardheere ayaa la sheegayaa iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, laakiin tiro sax ah lama hayo.

Wadada qaraxan uu ka dhacay oo ah waddo muhiim ah  oo dadku ay isticmaalan ayaa la sheegayaa in gabi ahaamba ay xireen ciidanka Itoobiya.

Qaraxyadan kadib ciidanka Itoobiya ayaa  ku faafay, xaafadaha degmada Baardheere, waxaana dadka degaanku  ay ka baqayaan dhibaatooyinka soo noq-noqday ee degmadiaasi ka dhaca.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

12 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW