U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Kismaayo, Jubbaland

Sheeko:Amniga

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar toos ah iyo weliba ismiidaamin lagu qaaday Hotel Medina oo hore loo oran jirey Hotel Cascasey oo ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo.

Qarax xoog leh ayaa laga maqlay hotelka waxaan xigey dabley hubeysan oo gudaha u gashay hotelka iyadoo weli laga maqlayo rasaas sida ay soo sheegayaan dad ku sugan magaalada Kismaayo.

Hotelka ayaa waxaa degenaa xildhibaano iyo weliba qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in aagga hotelka laga maqlayo rasaas xoogan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in rag hubeysani ay gudaha u galeen hotelkaasi.

Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay aad u kacsan tahay, isla-markaan ay ciriiri tahay isgaarsiinta Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hotelka oo ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

Goobjoog News