U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahinno Kasoo Baxaya

Sheeko:Amniga

Qaraxyo  ayaa waxaa ay maanta siyaabo kale duwan  ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana warar kale duwan ay kasoo baxayaan sida uu u dhacay qaraxayada.

Qaraxyada oo ka dhacay banaanka hore ee Maqaayada Fatxi ayaa waxaa la sheegayaa inuu yimaadeen kadib markii ay qaraxday Mooto Bajaaj, taas la rumaysan yahay in qaraxyada  uu lagu soo raray, sida wararku ay sheegayaan.

Muutada ayaa waxaa saarnaa qaraxyo sida miinooyin iyo qoryo kuwaas oo sedex mar sameeyay qaraxyo kale duwan, ciidanka amniga ayaa baaritaanno wada ku aadan qaraxyada dhacay iyo Mootada siay.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo ka dhasha, walow aan ax dhimasho ah aan la shaacin, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo gurmad u fidinaya dadka waxyeeloobay.

Goobjoog News