U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Khasaare ayaa ka dhashay illaa 3 qarax oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaa ka kala dhacay meelo u dhow Villa Somalia iyo NISA.

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in 2 qarax ka dhaceen afaafka hore ee madaxtooyada halkaasi oo ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay ka hortageen weerar ku socday meelo muhiim ah.

Qarax kale ayaa ka dhacay KM0, qaraxan oo dhacay markii uu gaari xoog kusoo dhaafay bar kontarool ah oo ciidamada joogeen lama oga meel loo waday, laakin waxaa goobta ka dhow Hotello, xarumo dowladeed iyo hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Weli waxaa socota rasaas , waxaana goobta gaaray gawaarida gargaarka oo dadka qaar u soo qaaday goobaha caafimaadka.

Wararkan oo faahfaahsan, kala soco Goobjoog News